Covid-19: Puntland oo joojisay Salaadaha Jameecaadka lagu tukado

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga wacyi-gelinta Coronavirus ee Puntland ayaa warbixintoodii maalinlaha ee 15-ka April, 2020 ku sheegay in la joojiyey Salaadaha Jameecaadka lagu tukado "illaa iyo amar dambe dowladdu kasoo saarto".

"Waxaana culimada sharafta leh laga codsanayaa in ay Guddiga kala shaqeeyaan fulinta awaamiirtaas," ayaa lagu yiri warbixinta oo laba bog ka kooban isla markaana nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Goobaha dadka ku kulmaan sidda Masaajida ayaa la aaminsan yahay in ay safka hore kaga jiraan goobaha uu ku faafo caabuqa safmareenka ah, kaas oo bishii December sanadkii hore 2019 kasoo bilowday dalka Shiinaha.

Xirfadlayaasha caafimaadka ayaa ku taliyey in dadku kala fogaadaan, una hogaan-samaan dhamaan talooyinka caafimaad ee sahlaya si ay uga badbaadan cudurka, oo ay kamid tahay in uu gurigiisa ku negadaado in badan.

Dhanka kale, warbixinta ayaa intaas raacisay in degaanada Puntland aan laga soo warin kiisas cusub oo la xiriira xanuunka Covid-19. Balse, waxaa la sugayaa natiijada laba qof oo asbuucaan looga shakiyey fayruskaas.

Guud ahaan Soomaaliya xaaladaha Corona ayaa maraya 80, shan dhimasho ah iyo laba kasoo kacdey, sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda federaalka ee Muqdisho.

Magaala madaxda dalka oo ah meesha uu dadka ugu badan uu kusoo ritay cudurka ayaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah. Shacabka oo walwal badan uu lasoo darsay waxaa lagu waaniyey in ay guriyahooda joogaan iyo baqdin la'aan.

Warbixinta guddiga oo dhan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo bilad sharaf ku sagootisay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa xilka baneynaysa iyadda oo lagu badalay James Swan oo Ameerikaan ah.

  • Puntland

    19-05-2024

  • 03:21AM

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM