Puntland oo ka baaqatay shir u furmay federaalka iyo maamulada

Image
Image
Image
Kulankan ayaa u dhaxeeya Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan ay isku yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka bilowday magaala madaxda Muqdisho.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaraya "arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maaliyadda dalka, sharuudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuurta dalka," sidda wasaaradda maaliyada federaalka faafisay.

Puntland ayaan qeyb ka ahayn kulankan. Illo wareedyo ayaa xaqijiyey in qaadacaadan ay la xiriirto amar uu bixiyey Saciid Cabdullaahi Deni kaasoo ahaa in aysan wasiiradiisa tagi karin Muqdisho isaga oo aan fasaxin.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa adkeeyay in uu muhiim yahay shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed.

Nuur ayaa tibaaxay in inta shirkaan uu socdo ay doodooda diirada ku saari doonaan arrimaha mudnaanta u leh Horumarinta Dhaqaalaha Dalka, mideyn hannaanka canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.

"Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed," ayay wasaaraddu warisay

Is-araggan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ah wakiilo matalaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha dalka iyo masuuliyiin ka tirsan Hey'addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay ku dhawaaqdey in ay "dowlad gaar ah". Madaxwayne Deni oo xalay ka hadlay xaflad uu ugu dabaal-degay afar sano guurada xukunkisia Villa Soomaaliya ku eedeeyay "dastuur jebin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM