Puntland oo ka digtay “Dastuurka cusub” ee loo sameynayo Soomaaliya

Image
Puntland ayaa sheegtay in qodobbada kooban ay u baahan yihiin dhameystir.

GAROWE, Puntland - Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka digay in wax laga beddelo dastuurka hadda jira.

Qoraal ka soo baxay Puntland, ayaa ku sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uusan awood iyo sharci u lahayn inuu "abuuro dastuur cusub."

Puntland ayaa sheegtay in qodobbada kooban ay u baahan yihiin dhameystir.

Puntland ayaa sidoo kale ka digtay in haddii la fuliyo “isku dayada lagu dhisayo dastuur cusub” aysan ilaalin doonin, aqoonsan doonin ama aysan ku dhaqmi doonin wax ka bedel dastuurka lagu sameeyay heshiis la’aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM