Puntland oo ka digtay khatarta Roobab soo wajahan

Image

GAROWE, Puntland- Dowladda Puntland, ayaa digniin u dirtay dadweynaha ku dhaqan deegaanadeeda gaar ahaan xoolo dhaqatada oo ay ugu baaqday inay ka fogaadaan meelaha biyo mareenka ah iyo waliba dhulka godan.

Baaqan ayaa soo baxay kadib markii dowladdu sheegtay inay heshay sadaal  qeexaysa in maalmaha Arbacada iyo Khamiista ay Puntland ka curan doonaan Roobab mahiigaan ah.

Hay’adda Puntland u qaabilsan Masiibooyinka ee HADMA, ayaa sheegtay in culimada Saadaashaa hawada ay xuseen in roobaabkaas ay dhalin karaan waxyeello isugu jirtay Daadad iyo Dabaylo.

Guddoomiyaha hay’addaas Cabdullahi Xaashi Cayrow ayaa sheegay in laga maarmaan tahay in dadka Rer guraaga ah  ay ka fogaado goob kasto oo Biya mareen ah Madaadma Fatahaado ay ka dhalan karaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli dalka Somalia oo dhan ay ka jiraan abaaro baahsan oo keenay inay dhammaadaan badi Xoolihii taasoo kaliftay inay qoysas badan cayroobaan oo kusoo xaroodaan magaalooyinka.

Arrinta laga wal-wal qabo ayaa ah dadka iyo duunyada oo aad u tabar yar gaar ahaan reer Guuraga kuwasoo ay daashatay abaaro muddo dheer jirtay.

Jawiga ayaa maanta ka duwan sidii hore, waxaana cirka laga dareemayaa Saadaal Roobaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM