Puntland oo ka digtay khatarta Roobab soo wajahan

Image

GAROWE, Puntland- Dowladda Puntland, ayaa digniin u dirtay dadweynaha ku dhaqan deegaanadeeda gaar ahaan xoolo dhaqatada oo ay ugu baaqday inay ka fogaadaan meelaha biyo mareenka ah iyo waliba dhulka godan.

Baaqan ayaa soo baxay kadib markii dowladdu sheegtay inay heshay sadaal  qeexaysa in maalmaha Arbacada iyo Khamiista ay Puntland ka curan doonaan Roobab mahiigaan ah.

Hay’adda Puntland u qaabilsan Masiibooyinka ee HADMA, ayaa sheegtay in culimada Saadaashaa hawada ay xuseen in roobaabkaas ay dhalin karaan waxyeello isugu jirtay Daadad iyo Dabaylo.

Guddoomiyaha hay’addaas Cabdullahi Xaashi Cayrow ayaa sheegay in laga maarmaan tahay in dadka Rer guraaga ah  ay ka fogaado goob kasto oo Biya mareen ah Madaadma Fatahaado ay ka dhalan karaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli dalka Somalia oo dhan ay ka jiraan abaaro baahsan oo keenay inay dhammaadaan badi Xoolihii taasoo kaliftay inay qoysas badan cayroobaan oo kusoo xaroodaan magaalooyinka.

Arrinta laga wal-wal qabo ayaa ah dadka iyo duunyada oo aad u tabar yar gaar ahaan reer Guuraga kuwasoo ay daashatay abaaro muddo dheer jirtay.

Jawiga ayaa maanta ka duwan sidii hore, waxaana cirka laga dareemayaa Saadaal Roobaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM