Puntland oo ka hadashay Beerihii ku gubtay Isku-Shuban [Dhagayso]

Image

15 Octobar, 2015(GO)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Puntland ayaa ka waramay dab dhawaan qabsaday Beero ku yaalla degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari.

Dr Ibraahim Aadan Xareed oo la hadlay Radio Garowe ayaa xusay in Beeralaydii khasaaruhu soo gaaray u geeyeen 300 Geed, isla markaana qiimeeyn ku soo sameeyeen dhibkii dhacay.

Hay'adaha deeq bixyaasha ah ayuu ku dhaliilay inaysan gacan ka gaysan sidii dib u kabasho loogu samayn lahaa Beeralayda Isku-Shuban.

Agaasimaha ayaa xusay in khasaarihii dhawaan dhacay uu saamayn ku yeeshay dadka deegmadaasi, kuwaas oo ku tirsanaa wax soo saarka Beeraha, wuxuu xusay inay degmada ka sameeyeen tababaro kala duwan oo ku aadan in dadka deegaanka la baro beerashada dalaga.

Dab khasaaro badan dhaliyay ayaa dabayaaqadii Septembar ka dhacay degmadaasi, waxaana gubtay in ka badan 6600 Geed, wuxuuna ka dhashay dab cunno lagu karsaday oo Beeralayda qaybtood uga tageen xilli dabayl xooggan ka dhacaysa Isku-Shuban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM