Puntland oo ka hadashay dagaalka Galkacyo [Dhagayso]

Image

03 December, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magalada ee sababay dhimashada iyo dhaawac aan tira ahaan la xaqiijin.

Soocade oo saxaafadda kula hadlay dhisme khasaaro soo gaartay hoostiisa ayaa sheegay, in shacabka Galkacyo lagu soo weeraray hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi timi xilli ay wadeen maslaxadda howshii shalay lagu hishiiyay.

Wuxuu wasiirku sheegay inay dadkooda difaacayaan, isla markaana diyaar u yihiin nabad galyadii shalay lagu hishiiyay.

Soocade ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo dhex dhexaadin wada.

Xilliga wasiirku hadlayay, waxaa socotay rasaas xooggan oo maanta laga maqlayay magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka yara qaboobay sidii hore ee u socday, balse waxaa la maqlayaa daryanka rasaas xooggan oo labada dhinac isugu jawaabayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM