Puntland oo ka hadashay dagaalka Galkacyo [Dhagayso]

Image

03 December, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magalada ee sababay dhimashada iyo dhaawac aan tira ahaan la xaqiijin.

Soocade oo saxaafadda kula hadlay dhisme khasaaro soo gaartay hoostiisa ayaa sheegay, in shacabka Galkacyo lagu soo weeraray hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi timi xilli ay wadeen maslaxadda howshii shalay lagu hishiiyay.

Wuxuu wasiirku sheegay inay dadkooda difaacayaan, isla markaana diyaar u yihiin nabad galyadii shalay lagu hishiiyay.

Soocade ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo dhex dhexaadin wada.

Xilliga wasiirku hadlayay, waxaa socotay rasaas xooggan oo maanta laga maqlayay magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka yara qaboobay sidii hore ee u socday, balse waxaa la maqlayaa daryanka rasaas xooggan oo labada dhinac isugu jawaabayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM