Puntland oo ka hadashay dagaalka ka dhex-qarxay Al-Shabaab iyo ISIL

Image
Illo wareedyo ayaa caddeeyay in iska-hor-imaadka uu ka dhacay degmadda Balidhidin ee gobolka Bari.

BOOSAASO, Puntland - Dagaal u dhaxeeya maleyshiyaad ka kala tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ayaa kasoo cusboonaadey bariga Puntland, sidda uu warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uul ammaan.

Illo wareedyo ayaa caddeeyay in iska-hor-imaadka uu dagaalameyaasha ka kala tirsan labadda kooxood xagjirka ah uu ka dhacay degmadda Balidhidin ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha degmada Qandala Axmed Yuusuf oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxa uuxaqiijiyay iska hor-imaadkaasi wallow uu qiray in ay aad u hooseyso xogta laga heli karo.

"Labada kooxood ee xagjirka ah waxay ku wada noolaayeen deegaanka, laakiin waxaad mooddaa inay u dagaalamayaan sidii ay dhulka u maamuli lahaayeen," ayuu yiri Mr Yuusuf.

Mr Yuusuf wuxuu intaas ku daray: "Xaaladdu waxay u muuqataa mid kacsan, laakiin degaanka oo buuralay ah aawadeed, waxaa aad u xaddidan macluumaadka kasoo baxaya".

"Isgaarsiinta degaanka ayaa la xayiray. Isu-socodka aggaas ayaa sidoo kale la joojiyey. Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaarey wali lama xaqiijin karo," ayuu raaciyey sarkaal dhinaca sirdoonka ah.

Xoogaga argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa horey buuraha Cal-miskaad isla gobolkaas waxay ku dagaalameen dhamaadka sanadkii 2018-kii iyo bilowga xagaagii 2019-kii.

Tan iyo xilligaas, waxaa dhexmartey tacshiirad kooban. Mukhaabaraadka Soomaaliya iyo reer galbeedka ayaa rumeysan in dagaaladaas ay labada kooxood ku waayeen dagaalameyaal iyo horjoogeyaal unugyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM