Puntland oo ka hadashay dufaanta MEGH [Dhagayso]

Image

07 November, 2015(GO)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa maanta ka hadashay duufaanta la saadaaliyay inay ka dhacayso qaybo ka mid ah Somalia, gaar ahaan xeebaha Puntland oo la tilmaamay inay ku soo wajahantahay 8-da bishan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo warbaahinta kula hadlay Garowe, ayaa sheegay in xukuumadda Puntland wado dadaalo looga hortagayo dhib ka dhasha duufaantaasi.

Cabsida duufaantan, ayaa imaanaysa xilli lagu hawlanaa sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dad waxyeelo ka soo gaartay duufaanta Chapala, oo todobaadkii hore ku dhufatay qaybo ka mid ah Puntland.

Shalay 06 November, ayay ahayd markii SWALIM oo ah koox qaabilsan maaraynta macluumaadka biyaha iyo barriga Somalia, shaacisay in Somalia gaar ahaan gobolada dhaca Waqooyiga badweynta Hindia ku dhufan doonto duufaanta MEGH.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM