Puntland oo ka hadashay Joojinta shaqada VOA-da [Dhagayso]

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade oo ka hadlay joojinta shaqada VOA-da ee Puntland, ayaa u sababeeyay inay ku xad gudubtay shuruucda Puntland.

Soocade oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in dalka dowladdi ka jirto, Idaacaddaasina caadaysatay dhawaanahan warar hareer marsan xeerka warbaahinta.

Waxa uu sheegay inay la tiigsan doonaan maxkamad.

Wasiirka oo wax laga waydiiyay in xariga ka hor la xiriireen mas'uuliyiinta VOA-da, ayaa xusay inaysan xukuumadda Puntland u cabanayn, cidii shuruucda  ku xad gudbtana sharciga la tiigsanayaan.

Joojinta shaqada VOA-da ayaa timi xilli dhawaan wasaaradda warfaafinta Puntland mamnuucday baahinta Idaacadda ku hadashada Afka dowladda Somalia ee Radio Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM