Puntland oo ka hadashay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Bardaale

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu ka hadlay shilka diyaaradeed ee maanta ka dhacay magaalada Bardaale, gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hadal-jeedintiisa Maalinta la hadalka dadweynaha oo uu jeediyey isagoo ku sugan degmadda Qardho ayuu kusoo hadal-qaaday musiibadaas galaaftay lix ruux oo la socotay duulimaadka.

Deni ayaa tacsi u diray ehelka dadka ku geeriyooday shilkaas oo ay ku jiraan laba Soomaali ah, iyaddoo inta kale la sheegay in ay ajaaniib yihiin.

Shirkadda iska leh diyaaradda ee African Express ayuu u rajeeyay in ay bedel wanaagsan ka hesho khasaaraha maaliyadeed ee soo gaarey.

"Baaritaankeeda ka hor-dhici maayo, dowladda Koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa sababaha ay u dhacday, waxaan uga tacsiyeynayaa khasaaraha ku dhacay degaanadaas," ayuu hadalkiisa ku daray Deni.

Duulimaadka oo lasoo wariyey in uu ka baxay magaaladda Muqdisho kuna hakaday Baydhabo ayaa wuxuu sidday shixnad gargaar caafimaad ah.

Warbaahinta Kenya ayaa ku warantay in diyaaradda ay soo dhacday markii gantaal ay "si aan ola kac ahayn" ugu dhufteen ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh nawaaxiga madaarka diyaaradaha magaalada.

Ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalkada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo aan wali ka jawaabin eedeyntaas ayaa mas'uul ka ah ammaanka Bardaale, halkaas oo ay ku wehliyaan ciidamo Soomaali ah.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM