Puntland oo ka arinsaneysa khilaafka mas'uuliyiinta DFS

Image

October 26, 2014 (GO)- Tan iyo galabta aqalka madaxtooyadda Puntland ee Garowe waxaa ka socday shir looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta ugu saraysa dowladda Federaalka Somalia.

Shirkan ayaa u dhaxeeya madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo gollaha wasiiradda sida wararku kusoo gaarayaana GO waxaa lagu soo bandhigayaa aragtida ay ka qabaan muranka iyo khilaafka ka aloosan Villa Somalia kaasoo u dhaxeeya Cabdiwali Shiikh Axmed Wasiirka koowaad ee dalka iyo madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

Warbaahinta ayaa lagu wargaliyay caawa inay yimaadaan xarunta madaxtooyada halkaasoo shir jaraa'id lagu qabanayo.

Wararka kale ee soo baxaya ayaa sheegaya inuu cirka isku shareeray khilaafka Cabdiwali iyo Xasan u dhaxeeya kaasoo sii kiciyay ka dib markuu shalay isku shaadheyn sameeyay Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh.

Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa hagaagay khilaafkii u dhaxeeyay ka dib markii Garowe lagu saxiixay heshiis 12 qodob ka kooban oo labada dhinac isku afgarteen.

Wixii kusoo kordha kala soco wararka danbe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM