Puntland oo ka hortimi xayiraad la saaro hishiisyada shidaalka

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Hay'adda Puntland u qaabilsan shidaalka iyo macdanta ayaa ka hortimi warbixin dhawaan soo saartay kooxda Qaramada Midoobay ee la socodka cunno-qabateynta hubka ee dalalka Somalia iyo Eritrea oo looga hadlay shidaal laga baaro Somalia.

Agaasimaha hay'addaasi Ciise Maxamed Faarax(Dhoolawaa) ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in la joojiyo sahaminta shidaalka maadama dalka Somalia uu haatan ka baxay colaadihii sokeeye, islamarkaana doonayaan hormaro laga sameeyo dhinacyada dhaqaalaha.

"Waxay aheyd qalad in Qaramada Midoobey xayiraad saarto qaran mar dhow ka soo baxay dagaal sokeeye, diyaarna u ah inuu sameeyo horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale" Ayuu yiri Ciise Maxamed Faarax.

Dhoolawaa aya sidoo kale soo jeediyay in Qaramada Midoobay ka caawiso nidaam lagu maamuli karo dakhliga shidaalka.

Dowladda Somalia iyo shirkadda "Soma Oil and Gas" oo fadhigeedu yahay wadanka Britian oo la siiyay qandaraaska baarista shidaalka Somalia ayaa iyagana ku gacan-sayray talo soo jeedinta kooxda.

Dhawaan ayaa warbixin ay soo saartay kooxda Monitaring group, waxaa lagu sheegay hadii Somalia laga bilaabo shidaal baaris in dalku ku laabanayo fawdo iyo qalalaaso siyaasadeed maadama aysan lahayn Somalia sharci xakamayn kara dakhliga macdanta iyo shidaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM