Puntland oo ka hortimi xayiraad la saaro hishiisyada shidaalka

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Hay'adda Puntland u qaabilsan shidaalka iyo macdanta ayaa ka hortimi warbixin dhawaan soo saartay kooxda Qaramada Midoobay ee la socodka cunno-qabateynta hubka ee dalalka Somalia iyo Eritrea oo looga hadlay shidaal laga baaro Somalia.

Agaasimaha hay'addaasi Ciise Maxamed Faarax(Dhoolawaa) ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in la joojiyo sahaminta shidaalka maadama dalka Somalia uu haatan ka baxay colaadihii sokeeye, islamarkaana doonayaan hormaro laga sameeyo dhinacyada dhaqaalaha.

"Waxay aheyd qalad in Qaramada Midoobey xayiraad saarto qaran mar dhow ka soo baxay dagaal sokeeye, diyaarna u ah inuu sameeyo horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale" Ayuu yiri Ciise Maxamed Faarax.

Dhoolawaa aya sidoo kale soo jeediyay in Qaramada Midoobay ka caawiso nidaam lagu maamuli karo dakhliga shidaalka.

Dowladda Somalia iyo shirkadda "Soma Oil and Gas" oo fadhigeedu yahay wadanka Britian oo la siiyay qandaraaska baarista shidaalka Somalia ayaa iyagana ku gacan-sayray talo soo jeedinta kooxda.

Dhawaan ayaa warbixin ay soo saartay kooxda Monitaring group, waxaa lagu sheegay hadii Somalia laga bilaabo shidaal baaris in dalku ku laabanayo fawdo iyo qalalaaso siyaasadeed maadama aysan lahayn Somalia sharci xakamayn kara dakhliga macdanta iyo shidaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM