Puntland oo ka jawaabtey qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa waxay jawaabtay codsigii madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku aadanaa in lasii daayo shaqsiyaad ku xiran magaaladda Boosaaso.

Maxamuud Xasan Cismaan, xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa shaaciyey in xubnahaasi lasoo eedeeyay, isla markaana ay baaritaan ku bilaabeen.

"Dadka eedeysaneyaasha oo Garowe iyo Boosaaso ku xiran, madaxweyne ma amrin in lasoo xiro, waxaa loosoo qabtey in ay ku xadgudbeen shuruucda u degan Puntland," ayuu yiri Maxamuud.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu carabka ku adkeeyay in eedeymaha loo haysto raggaasi lasoo mar-siiyey hanaanka saxda ah ee garsoorka, isaga oo xusay in ay haatan baaritaan ku socoto.

"Dadka hadda ka hadlay muwaadiniin lasoo xiray, ma aqaano ujeedada ay ka leeyihiin, ma joogno jaziiratul waaq-waaq, dalka sharci buu leeyahay, horeyna dad waa lasoo eedeyn jiray, waana lasoo xeri jiray," ayuu hadalkiisa raaciyay Xeer Ilaaliyaha.

Mudane Maxamuud ayaa intaasi raaciyey: "Kiiska marka uu taagan yahay baaris illaa iyo kiiskaa qofka lagu helo ama lagu waayo cid soo faragelin kartaa ma jirto ama talo ka bixin karta oo aanan ka ahayn hay’addaha sharciga".

Shaqsiyaadka lagu xiray xarunta gobolka Bari ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay saddex, wallow xeer-ilaaliyuhu uusan soo bandhigin tiradda xubnaha xabsiga loogu taxaabay magaaladda caasimada ah ee Garowe.

"Eedeynta shaqsiyaadkaasi laba meelood ku xiran waxaan rabnaa in aan sharciga hor-geyno. Hadii eedeynta ay noqoto mid maan-gal ah ciqaabta uu sharcigu ogol-yahay baa ku dhici doonta, hadii lagu waayo, waan sii deyn doontaa Maxkamadda," ayuu Maxamuud xusay.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa intaasi ku daray: "Madaxweyne Deni baan sii deyn karin, Madaxweyne Farmaajo baan sii deyn karin; ra’iisul wasaaraha ayaa sii deyn karin, sharci baa soo xiray, sharcigaana sii deyn kara".

Jawaabta Puntland ayaa timid xilli goor sii horeysay qoraal lagu daabacay bogga Villa Soomaaliya lagu sheegey in Madaxweyne Farmaajo dalbadey in saddex nin oo ku xiran Boosaaso xorriyadooda loogu celiyo si "shuruud la'aan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM