Puntland oo ka qeybgaleysa Shirka Maalgeshiga Turkiga ee Afrika

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntlland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo isagu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsato ayaa u ambabaxay Wadanka Turkiga.

Mas'uuliyiintan, oo casuumaad rasmi ah helay ayaa waxay Puntland ku metelayaan Shirka Maalgashiga dalka Turkiga ee qaaradda Afrika.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka warbixiyey safarka ay ku aadayaan isaga iyo weftigiisu dalka Turkiga.

"Waxaan halkaan idinla wadaagayaa safar yar oo aan ku tegi doono dalka Turkiga oo ula jeedadiisu tahay shir ka dhacaya Turkiga oo lagu casuumay dowladaha Africa badidooda, shirkani wuxuu runtii daba-jooga kii ka dhacay Puntland oo aad u farxad geliyay shacabkeena iyo beesha caalamkaba".

Waftiga Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa Garoonka diyaaradaha Gaaroowe Gen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.

"Wafti baa ila socda oo isugu jira dowladda Puntland iyo Ganacsato oo casuumaad ka helay dowladda iyo Ganacsatada Turkiga. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Puntland daafaha dunida laga bartay, gaar ahaan Maalgashiga oo runtii aan codsiyo badan ka helayno".

Karaash ayaa sheegay in Puntland ay soo dhawaynayso cidkasta oo maalgashanaysa, adduunkuna uu arkay nabad-gelyada taala, dowladduna ay ballan qaadayso inay ilaalindoonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM