Puntland oo ka qeybqaadaneysa gurmadka ee fatahaadaha

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Fatahaadda Webiga Shabeelle.

Sidda ay baahisay Madaxtooyadda dowladda Puntland, Deni ayaa wuxuu dadkaas illaahay uga baryay inuu Jannatul Fardowsa geeyo, eheladoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo.

Puntland, Dowlad iyo Shacab ahaanba ayuu xusay in ay la qeybsanayaan dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadka leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba.

"...waxaana la garab taaganahay taageero iyo gurmad ay waajib tahay inaan bixinno," ayaa Deni laga soo xigtay sidda ku xusan warka qoraalka ah oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

Deni ayaa wuxuu ugu baaqay cidkastoo gacan ka geysan karta in la sameeyo waxkasta oo suuragal ah si dadkaasi ay u helaan caawimaad bani’aadanimo oo deg deg ah.

"Waxaa sidoo kale lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda oo geysta khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh," ayuu xusay.

Tobanaan qof ayaa ku geeriyooday fatahaadaha oo laga soo wariyey gobolada ay maraan Webiyada Shabeelle iyo Jubba. Si lamid ah boqolaal ayaa la sheegayaa in ay ku guryo beeleen kuna barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM