Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Sacad Cumar Ismaaciil Geelle

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda Puntland iyo kan shacabka "waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Ismaaciil Geelle".

Madaxweyne Deni waxaa uu tiiraanyada iyo xanuunka geeridaasi la wadaagayaa, ugana tacsiyaynayaa shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Sacad Cumar Geelle.

"Waxaana uu si gaar ah uga tacsiyaynayaa geeridaasi Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska hogaamiyaha maamulka Garowe.

Ugu dambayn, Deni ayaa marxuumka u rajeeay inuu ALLE dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u fududeeyo, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo eheladii, qoysaskii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Qoraalka oo English ah

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM