Puntland oo ka warbixisay Wadahadaladda ka socda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdulahi Cali Xirsi (TIMACAADE) oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa fahfaahin ka bixiyay kulamada madaxda dowlada Federalka iyo madaxda Jubbland iyo Puntland uga socda Magaalada Muqdisho.

Timacadde ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhamaan Madaxda Maamullada iyo DF ay isagu yimaadaan shir-weyne looga wadahadli doono arrimaha misiiriga ah, oo doorashooyinka ay kamid yihiin iyo xalinta khilaafaadka taagan.

Mar wax laga waydiiyay inay jiraan warar sheegaya in Madaxda HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay ka biyo diidayaan inay kasoo qeybgalaan shirka la qorsheynayo, ayuu wuxuu ku jawaabay in warkaasi uusan waxba ka wayheynin, balse uu ogyahay inay soo dhaweeyaan war-murtiyeedkii shirkii Deni iyo Axmed Madoobe ku yeesheen dhawaan magaaladda Garowe.

Kulankii Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ay ku yeesheen shalay ayaa Wasiirka wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa mid loogu gogol-xaarayay Shirka loo dhan yahay, isagoo meesha ka saaray warar sheegaya in heshiis ay dhinacyada ku gaareen.

Wuxuu Wasiir Timacadde dhanka kale ka warbixiyay kulamo gaar-gaar ah oo Deni Muqdisho kula yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka iyo Safiiradda ajnabiga, isagoo tilmaamay inay ahaayeen kuwa ku saabsan dardargelinta wadahadallada arrimaha doorashooyinka.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u qaadacay natiijadda Shirkii Dhuusamareeb 3, kaasoo laga saareey bishii lasoo dhaafay war-murtiyeed lagu sheegay in heshiis doorasho la gaarey.

Safaaradda Mareykanka ayaa kadib shirkii Dhuusamareeb soo saareysay qoraallo isdaba-joog ah, oo baqdin-gelin iyo dhiiragelin isagu jiray, oo ugu dambeyn horseeday inuu Farmaajo ogolaado Shir loo dhan yahay inuu qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM