Puntland oo ka warbixisay Wadahadaladda ka socda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdulahi Cali Xirsi (TIMACAADE) oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa fahfaahin ka bixiyay kulamada madaxda dowlada Federalka iyo madaxda Jubbland iyo Puntland uga socda Magaalada Muqdisho.

Timacadde ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhamaan Madaxda Maamullada iyo DF ay isagu yimaadaan shir-weyne looga wadahadli doono arrimaha misiiriga ah, oo doorashooyinka ay kamid yihiin iyo xalinta khilaafaadka taagan.

Mar wax laga waydiiyay inay jiraan warar sheegaya in Madaxda HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay ka biyo diidayaan inay kasoo qeybgalaan shirka la qorsheynayo, ayuu wuxuu ku jawaabay in warkaasi uusan waxba ka wayheynin, balse uu ogyahay inay soo dhaweeyaan war-murtiyeedkii shirkii Deni iyo Axmed Madoobe ku yeesheen dhawaan magaaladda Garowe.

Kulankii Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ay ku yeesheen shalay ayaa Wasiirka wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa mid loogu gogol-xaarayay Shirka loo dhan yahay, isagoo meesha ka saaray warar sheegaya in heshiis ay dhinacyada ku gaareen.

Wuxuu Wasiir Timacadde dhanka kale ka warbixiyay kulamo gaar-gaar ah oo Deni Muqdisho kula yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka iyo Safiiradda ajnabiga, isagoo tilmaamay inay ahaayeen kuwa ku saabsan dardargelinta wadahadallada arrimaha doorashooyinka.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u qaadacay natiijadda Shirkii Dhuusamareeb 3, kaasoo laga saareey bishii lasoo dhaafay war-murtiyeed lagu sheegay in heshiis doorasho la gaarey.

Safaaradda Mareykanka ayaa kadib shirkii Dhuusamareeb soo saareysay qoraallo isdaba-joog ah, oo baqdin-gelin iyo dhiiragelin isagu jiray, oo ugu dambeyn horseeday inuu Farmaajo ogolaado Shir loo dhan yahay inuu qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM