Puntland oo ka warmurtiyeed ka soo saartay dagaalka Galkacyo

Image

22 November, 2015(GO)-War-murtiyeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay magalada Galkacyo ee sababay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca 50 kale.

Qoraalkan ayaa mas'uuliyadda weerarkaasi dusha looga tuuray Galmudug, waxaana lagu tilmaamay inay ku waxyeeloobeen dad maato ah.

Puntland ayaa sheegay inay ka digtay falalkan oo kale isla markaana hadda diyaar u tahay difaaca dadkeeda.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Galmudug,Cusmaan Ciise Taar-dhuleed, ayaa dagaalka Galkacyo ku eedeeyay dhinaca Puntland, wuxuuna ku eedeeyay inay mudooyinkii dambe waday dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah xasiloonida gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM