Puntland oo karantiishay laba qof oo looga shakiyey Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga ka hortagga fayruska Corona ee Puntland ayaa shaaciyey in ay laba qof oo horleh u karantiileen cudurkaas. Shaqsiyaadkaas waxaa la sheegay in baaritaano dheeraad ah loo diray.

Warbixinta maalinlaha ee guddiga soona baxdey 13-kii April, 2020 ayaa lagu sheegay in labadaas ruux kaliya lagu tuhunsan yahay, mana la caddeyn hadii ay ka muuqdaan astaamihii xanuunka.

Calaamadaha caabuqa ee ugu waaweyn isla markaana ugu daran waxaa kamid ah; xuumad daran iyo neef-qabasho. Qof walba oo isku arkay astaamaha ayaa lagu booriyey in uu la xiriiro dowlada.

Sidoo kale, lama soo bandhigin magaaladda ama goobta lagu hayo. Balse guud ahaan degaanada waaweyn ee Puntland waxaa laga hirgeliyey xarumo karantiil.

Dhanka kale, sidda laga soo xigtay warbixinta, dowladda Puntland ayaa Beesha Caalamka la wadaagtay warbixin ku saabsan qiimeynta dhaqaale, midda bini'aadanimo iyo qorshaha ay uga hortageyso Covid-19.

Dadweynaha Puntland ayaa loogu baaqay in ay ka qeyb-qaataan sanduuqa taakulada ka hortagga iyo la dagaalanka Coronavirus, kaas oo ay durba bilaabatay dhaqaalaha ay ku tabarucaan muwaadiniinta.

Geesta kale, guddiga iyo culimada oo shalay oo Isniin ahayd kulan yeeshay waxaa laga soo saarey war-saxaafadeed kaasoo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Bayaanka kasoo baxay kulanka

Guddiga Wacygelinta iyo Ka hortagga Coronavirus ee Dowladda Puntland wuxuu maanta kulan la qaatay Culimada Puntland, waxaan kala hadalnay sidii doorkooda ay uga qaadan lahaayeen Wacygelinta iyo Ka hortagga Covid-19.

Guddiga iyo Culimadu waxay isla garteen:

- Waxaa la isla gartay halista Cudurka Coronavirus oo si xowli ah adduunka ugu fidaya, una baahan in wadajir looga hortaggo Dowladd iyo Shacaba.

- Waxay Culimadu qireen in Masaajida ay ka imaan karto khatar Caafimaad, marka la eego isu soo dhowaanshaha iyo tirada.

- Si arrinta Masaajida xal looga gaaro oo Culimadu doorkooda u qaataan, waxaa la isla gartay, in Culimadu xubno kusoo darsadaan guddiga wacyigelinta iyo ka hortagga Covid-19.

- Waxaa jiri doona kulamo danbe oo arrimahan looga sii wadashaqeyn doono.

Guddiga Wacygelinta iyo Ka hortagga Covid-19, ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Nabadoonada iyo Ganacsatada si iyana ay doorkooda u qaataan.

Warbixinta guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM