Puntland oo "khaarijisay" madaxii howlgalada ee ISIL-Somalia

Image
Abu-baraa Al-Yamani ayaa la sheegay in uu kasoo jeedo gobolka Amxaarada ee Itoobiya.

GAROWE, Puntland - Taliska Booliska maamul goboleedka Puntland ayaa Jimcada maanta ah waxa uu sheegay in weerarkii habeen hore lagu qaaday saldhiga Bali-dhidin ee gobalka Bari ay ku dileen, Abu-baraa Al-Yamani.

Al-Yamani ayaa la sheegay in uu ahaa madaxii hawl-galada kooxda Daacish ee gobolka Bari. Al Yamani ayaa ahaa Itooobiyaan kasoo jeeda gobolada Amxaarada ee dalkaas.

Abu-baraa ayaa xilkaan loo magacaabay 11 July 2021 kadib markii la dilay Madaxii booskaas uga horeeyay Abu-waliid al-muhaajir, sida ay sheegeen booliska Puntland.

Ninka la dilay ayaa Booliska Puntland ku tilmaameen "in uu Itoobiyaan badan ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish". Kooxda ISIL ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

Dhawr bil kahor ayay ahayd markii dabley hubeysan ay dileen gudoomiyaha degmada Bali-dhidin, Mohamed Ahmed Muumin. Xubnaha ISIL ayaa waxay ku dhuumaaleystaan degaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM