Puntland oo kordhineysa xarumaha baaritaanka safmarka Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa qorsheyneysa in ay kordhiso xarumaha baaritaanka safmareenka Coronavirus, sidda uu Axadda maanta ah shaaca ka dhigay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo ka hadlayey furitaanka Kalfadhiga 47aad ee Golaha Wakiilada maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in afar xarumood ay haatan ku kala yaalaan Garowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Baran.

Sidda laga soo xigtay Deni, xarunta shanaad waxaa qorshuhu yahay in laga hirgeliyo magaaladda Buuhoodle, wallow uusan muddeyn.

"Waxaa sidoo kale qorsheysan in magaaladda Buuhoodle laga furo xarunta shanaad ee laga heli karo adeega baarista cudurka Covid-19. Dhamaan xarumahaas waxaa ka howlgala shaqaale si fiican loogu diyaariyey bixinta adeega caafimaad isla markaana intii u dhaxeysay labada kalfadhi 390 howlwadeeno caafimaad loo tababaray ka hortagga, wacyigelinta iyo karantiilka Covid-19," ayuu sheegay hadal-jeedintiisa socotay ku dhowaad 21 daqiiqo.

Intii uu hadal-jeedinta wadday, Deni ayaa tibaaxay in Covid-19 uu saameeyay Barnaamijyadii u qorsheysanaa 2020, dakhliga dowladda, isu socodka ganacsiga gudaha iyo dibadda, xawalaadaha iyo shaqada dowladda.

"Iyaddoo ay jiraan caqabadahaas dhaqaale ee kor aan kusoo xusnay, haddana waxaa inoo qabsoomay qorsheyaashii iyo yoolashii inoo degsanaa, waxaana ka gaarnay guulo lagu faani karo; inkasta oo uu jiro hoos u dhac ku yimid dakhliga dowladda, haddana waxaan ahmiyad siinay bixinta mushaharka oo aan bixinay si joogto ah," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Deni.

Sidda ku cad warbixinta 4-tii bisaan October kasoo baxdey wasaaradda caafimaadka, wadarta kiisaska Covid-19 ee laga diiwaan-geliyey degaanada Puntland waa 668, waxaa u dhintay 9, iyaddoo ay ka bogsadeen 240.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM