Puntland oo ku dhawaaqday xaalad dag-dag ah [Dhagayso]

Image

15 Octobar, 2015(GO)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa maanta shaacisay Abaaro ka jira qaybo ka mid ah gobolada Puntland, ka dib xilli roobaadka Dayrta oo aan ka da'in inta badan Puntland.

Agaasimaha gurmadka iyo masiibooyinka dag-daga ah ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cawil Maxamed Xirsi ayaa xusay inay heleen xog sheegaysa xaaladda adag oo soo food saartay dadka ku nool goobaha abaartu saamaysay.

Gobolada laga soo sheegayo xalladda adag waxaa ka mid ah, Gardafuu, Kar-kaar iyo qaybo ka mid ah Bari, waxaana Agaasimuhu xusay in degmada Xaafuun ee gobolka Kar-kaar ay haatan ku jirta xaalad adag oo u baahan wax ka qabasho.

Macaluul ka dhacda Puntland ayaa wasaaraddu ka digtay iyadoo baaqyo gargaar ah u dirtay Ganacsatada iyo hay'adaha deeqaha bixiya.

Dhinaca kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob deero ayaa tilmaamay in dadkii daganaa gobollada Sanaag iyo Haylaan u guureen Roobab ka da'ay gobolka Cayn, wuxuuna ka digay inay sababi karto abaarta oo si fidda.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan Abaaro xooggan oo ka jirta Puntland iyo qaybo ka mid ah Somalia, waxaana dowaladdu sheegaysaa inay ku dadaalayso sidi dadkaasi loo samata bixin lahaa iyagoo la kaashanaya deeq bixiyaasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM