Puntland oo ku eedeysay DFS iney ku jirto dagaalka Galkacayo [Akhri]

Image

28 Nov, 2015 (GO)- Wramurtiyeed kasoo baxey caawa 28 Nov, 2015 dowlada Puntland ayaa lagu sheegey in dagaalka ka dhacey magaalada Galkacayo ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ku soo qaadeen abaarihii 8 arroornimo waqtiga geeska Africa xilli ay dhoofinayeen Ra'isal wasaaraha dowlada Somalia.

Qoraalkaan ayaa lagu xusey in safarka Ra'isal wasaaraha Somalia ku aadanaa socdaal nabadeed ee uu ugu ku tagi lahaa magaalada Galkacayo kadib markii dowlada Puntland habeenkii xaley aqabshey 4 qodob ay soo jeediyeen waftiga dowlada Federaalka kaasoo xal lagaga gaari lahaa colaada ka aloosan magaalo madaxda gobolka Mudug.

Dowlada Puntland ayaa sheegtey in weerarkaan uu ahaa mid lagu hor-istaagaya dhaqdhaqaaqyada nabadeed ee laga wadey magaalada Galkacayo iyadoo ummada Somaliyeed iyo beesha caalamka ogeysiisey in mas'uuliyada dhibaatada halkaas ka dhacda ay qaadayaan xoogaga dulaanka soo qaadey.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa dowlada Federaalka lagu eedeeyey iney qayb ka tahay dulaanka lagu soo qaadey magaalada Galkacayo iyadoo sheegetey in dagaalkii maanta 28 Nov,2015  ka qayb galeen ciidamo lagu tababarayey magaalada Cadaado.

Hadalka ka soo baxey dowlada Puntland ayaa lagu xusin khasaaraha dagaalkii maanta ka dhacey magaalada Galkacayo sababey dhinacooda iyadoo warar madax banaan sheegayaan in dhimashada iyo dhaawaca soo gaartey dhinacayadii dagalaamey badan tahay.

Warsidaha Garowe online ayaa fahansan iney jirto cabsi aad u farabadan in dagaalkaas maalinta beeri ah dib u qarxo iyadoo aysan socon wax waan waan ah ee lagu xalinayo coladaan.

Ra'isal wasaaraha Somalia oo maanta ka dhoofey magaalada Garowe ayaa ka tagey qayb ka tirsan waftigii uu hogaaminayey iyadoo wararku sheegayaan iney safar dhulka ah ugu baxeen galabta magaalada Galkacayo.

Waftigaan ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha gudaha dowlada Somalia, taliyaha ciidamada Somalia iyo xildhibanao Bralamanka dowlada federaalka ka tirsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM