Puntland oo ku gacan-seyrtay Guddi ay magacowday XF Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay Guddiga kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan kaasoo dhowaan ay magacowday wasaarada Diinta federaalka.

Cawil Sheekh Xaamud Maxamed, wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Diinta Puntland, oo u waramay warbaahinta dowlada Puntland ayaa sababta ay u qaadaceen guddigaasi ku tilmaamay "latashi la'aan".

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku eedeeyay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumada federaalka ah "in ay ka cagojiideyso in ay Puntland kusoo wareejiso qoonadeeda arrimaha Xajka".

Mr Xaamud oo codsaday in lagu soo wareejiyo qoondada ayaa si aan gambasho lahayn waxa uu daaha uga rogay in Puntland ay dooneyso in ay si gaar ah u maamulato qeybteeda iyo arrimaha xajka.

"Xaq baanu u leenahay in nagula soo wareejiyo, si aan u ogaano tirada xujeyda Puntland ee halkaan ka baxi doonta," ayuu wasiir Xaamud raaciyey hadalkiisa.

Sidda ku cad warbixin kasoo baxday Sacuudiga, Soomaaliya ayaa kaliya sanadkaan loo ogol-yahay in ay kasoo xajiyaan 1,1500 [kow iyo toban kun iyo shan boqol] oo xujeey ah, taasi oo maamulada qoondo ku leeyihiin.

"Wasiirka Diinta Federaalka [Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan] waanu wadahalnay, waxaana ka sugeynaa in uu nagu soo wareejiyo, hadii ay jiraan awood ka sareysana u cadeeyo shacabka Puntland," ayuu xusay.

Guddiga ay wasaarada federaalka magacowday ayaa badankooda waxay yihiin culumo u jaran-jareera dhinaca xukuumada haatan jirta, taasi oo dad badan ay shaki ka muujiyeen xaq-soornimadooda.

"Iyaddoo cagojiid aan dareemaynay in ay ka jirto dhanka qoondada Puntland ayaa waxaa [lama filaan] nagu noqotay Guddigii degdeg ahaa ee ay wasaaradu magacowday, kaasi oo aan nagala talogelin, ma yeelayno, mana aqbaleyno," ayuu ku daray.

Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta liiska wadamada ugu qaalisan marka ay timaado adeegyadda Xajka, kaasi oo la sheego in ay ku baxdo halkii qof in ka badan 5,000 [Shan kun oo dollar-ka Mareykanka ah].

"Xildhibaan Nuur waan ka filaynaa in uu nagu soo wareejiyo, hadii ay dhici waydo waxay muujineysaa in dowlada federaalka aysan dhab ka ahayn wadashaqeynta kala dhaxeysa dowlad goboleedyadda," ayaa kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM