Puntland oo ku jirta diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashada

Image

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa ku jirta marxaladdii ugu dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha, iyadoo maanta gelinka dambe la filayo in lasoo gaba-gabeeyo diiwaan-gelinta Musharixiinta, taasoo soo billaabatey shalay duhurkii.

Guddiga Doorashada ayaa diiwaangeliyay dhowr Musharax oo ay kamid yihiin Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), Siciid Cabdullaahi "Saciid Deni", Cali Xaaji Warsame, Cali Cabdi Awaare iyo Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano).

Wax yar kadib markii Guddiga doorashada uu shaaciyay shuruudaha Musharax kasta laga doonayo, ku dhawaad 10 musharax ayaa ka tanaasulay tartanka xilka Mdaxweynaha Puntland.

Maalin berri ah, Isniin, 7da January, 2018, Musharixiinta is-diiwaan-geliyay ee buuxiyay shuruudahii laga rabey ee ku xusan habraaca doorashada ee uu guddiga soo saarey maalintii shalay ayaa hadal-jeedin ka sameyn doona Gollaha Wakiiladda.

Talaadada, 8-da January waa maalin kale oo Taariikhu ah, oo Puntland go'aaminaysa mustaqbalkeeda, iyadoo doonaysa Madaxweynaha shanta sano ee soo socota hogaamin doona.

Xildhibaanada Baarlamanka, oo ka kooban 66 xubnood ayaa ah codbixiyaasha dooranaya Madaxweynaha, iyagoo matalaya guud ahaan shacabka Puntland, waxaana loogu baaqey inay doortaan shaqsi ku haboon hogaaminta iyo badbaadinta masiirka Umadda.

Musharixiinta ayaa sidoo laga codsaday inay ku qancaan natiijada ugu dambeysa ee doorashada, kuna kalsoonaadaan howsha Guddiga doorashada Puntland.

Amaanka magaalada caasimadda ah ee Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana hay'adaha amaanka ay dedaallo badan ku bixinayaan sidii doorashada ugu qabsoomi lahayd si nabadgelyo ah.

Si looga hortago faragelin, Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loo diiday inay yimaadaan Garowe mudada lagu guda jiro doorashada, sida ku cad qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland, 29-kii bishii December ee 2018.

Mamnuucida ayaa ku kooban Gollaha Wasiiradda Federaalka iyo shaqaalaha Villa Somalia, iyadoo aysan ku jirin Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka [Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare]. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM