Puntland oo laga hirgelinayo xarunta la socodka doorashada

Image
Tani ayaa kusoo aadaysa xilli 25-ka October, 2021 ay bilaabaneyso coddeynta dowladaha hoose.

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah (PUNSAA) ayaa Isniinta maanta ah kala saxiixday is-afgarad.

Is-fahamkan ayaa ah mid lagu aasaasayo xarunta la socodka doorashada taasoo lagala socon doono habsami usocodka doorashada maalinta 25 Oktoobar 2021.

"Xarunta waxaa ka ku shaqayndoona goobjoogayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, xarumaha warbaahinta, ururada bulshada rayidka ah iyo diplumaasiyiinta," ayuu guddigu yiri.

Dhanka kale, Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa Degmada Qardho tababar wacyigalin ah ugu qabtay Dhalinyarada iyo Haweenka qaatay kaarar codbixinta ee codeyndoona maalinta doorashada oo ku beegan 25-ka bishan aan ku jirno.

Geesta kale, Gudoomiyaha Gudddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee Gobolka Bari, Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, ayaa maalintii labaad u wada tababar qaar ka mid ah Dhallinyarada, Haweenka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Naafada) ee magaalada Boosaaso.

Tababarkan oo soo bilaamay 10-kii bisha, dhamaanayana 12-ka bisha ayaa lagu barayaa Geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo Hanaanka Doorashooyinka fursadahooda.

Horay waxaa loogu qabtay magaalada Gaalkacyo waxaana lagu qabandoonaa Garowe iyo Qardho, tababarkan waxaa iska kaashanaya TPEC iyo KAALO.

Dowladda Puntland ayaa maalmaha soo aadan qaadeysa talaabo taariikhi ah maadaama ay 25-ka bishan October u muddeysan tahay coddeyntii ugu horeysay oo qof iyo cod ah.

GAROWE OLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM