Puntland oo laga xusay maalinta furdooyinka Aduunka

Image
Image
Image
Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo agaasintey munaasabadan ka dhacdey Boosaaso.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Xasan Shire Cabdi iyo Wasiirku  xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qayb-galay Xuska Maalinta furdooyinka Aduunka oo lagu qabtay magalada Boosaaso.

Munaasabadda ayaa  waxaa ka soo qaybgalay Qaar ka mid ah Golaha Xukuumadda, Maamulka Gobolka, kan Degmada Boosaaso, Taliska Booliiska, Agaasimaha Furdooyinka Puntland, Maamulaha Furdada Boosaaso Ganacsato iyo mas'uuliyiin kale

Hay'adda adduunka u qaabilsan  hormarinta  arrimaha Furdooyinka adduunka   waxay u asteesay sanadka 2022 sidii ay kor ugu qaadi laheyd Isbedelka Digital-ka iyadoo la adeegsanayo  lana xoojinayo isticmaalka tiknoolijayadda ee kaydinta xogta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa munaasabada ka hadlay

"Waxaa Sharaf wayn ii ah in aan maanta idinkala soo qayb galo Xuska maalinta furdooyinka adduunka oo sanadkasta loo asteeyay maantoo kale, waxaa halkaan uga mahad celinayaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adaha Bah wadaagta la ah Sida Wasaaradda Dekeddaha , Wasaaradda ganacsiga iyo Ciidanka ilaaladda cashuuraha oo intuba muujiyay karti iyo dadaal sanadkii 2021.

Wasiirka ayaa  yri "Anigoo Ka faaidaysanyaa Fursadaan waxaa u macadceliyaa Dhamaan Ganacsatadda Puntland gaar ahaan Ganacsataddi sida Hagar la’aanta ah nagala shaqaysay in aan hirgalino Sales tax oo ay hada Puntland ku naaloonayso dakhligaas oo isbadal ku sameeyey isku socodka wadooyinka oo hada dhismaayaashooda gacanta lagu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM