Puntland oo lagu baaqay in looga dambeeyo gurmadka Qardho

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiwali Cali Gaas oo uu wehliyo Senator Cabdirisaaq Jurille ayaa maanta wariyeyaasha kula hadlay magaalafda Garowe.

Shirkooda jaraa'id ayay diiradda ku saareen xaaladaha kasoo cusboonaadey Qardho gaar ahaan daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee degmadda ku da'ay maalmihii u dambeysay.

Ugu horeyntii, waxay carabka ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in xukuumadda Puntland "looga dambeeyo" howlaha Guddiyada iyo gargaarka loo fidinayo shacabka ay dhibaatadu soo gaartay.

Guddiga ay xukuumadda u saartay howlaha gurmarka ayay hoosta ka xariiqeen in uu yahay midka sharciga ah, loona baahan yahay in la mideeyo awooda taburcaadda lagu gaarsiinayo dadweynaha.

Shacabka ayay cod dheer ugu waaniyeen "in ay aaminaan" guddiga xukuumadda Puntland kana qeyb-qaataan dedaaladda socda.

Dhinca kale, xukuumadda federaalka ayay kaga mahadnaqeen lacagta ay soo gaariisay Puntland ee loogu talagalay gurmadka. Lacagtaas ayaa lasoo wariyey in ay gaareyso hal milyan oo Doolar.

Dadweynaha Puntland ayaa si isku-tashi iyo is-xilqaan ah isugu-soo-taagay in ay kaalin firfircoon ka qaataan ololaha socda, waxaana magaalooyinka waaweyn laga bilaabay uruurinta taakulada dhibaneyaasha Qardho.

MUUQAALKA MADAXDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM