Puntland oo lagu baaqay in looga dambeeyo gurmadka Qardho

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiwali Cali Gaas oo uu wehliyo Senator Cabdirisaaq Jurille ayaa maanta wariyeyaasha kula hadlay magaalafda Garowe.

Shirkooda jaraa'id ayay diiradda ku saareen xaaladaha kasoo cusboonaadey Qardho gaar ahaan daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee degmadda ku da'ay maalmihii u dambeysay.

Ugu horeyntii, waxay carabka ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in xukuumadda Puntland "looga dambeeyo" howlaha Guddiyada iyo gargaarka loo fidinayo shacabka ay dhibaatadu soo gaartay.

Guddiga ay xukuumadda u saartay howlaha gurmarka ayay hoosta ka xariiqeen in uu yahay midka sharciga ah, loona baahan yahay in la mideeyo awooda taburcaadda lagu gaarsiinayo dadweynaha.

Shacabka ayay cod dheer ugu waaniyeen "in ay aaminaan" guddiga xukuumadda Puntland kana qeyb-qaataan dedaaladda socda.

Dhinca kale, xukuumadda federaalka ayay kaga mahadnaqeen lacagta ay soo gaariisay Puntland ee loogu talagalay gurmadka. Lacagtaas ayaa lasoo wariyey in ay gaareyso hal milyan oo Doolar.

Dadweynaha Puntland ayaa si isku-tashi iyo is-xilqaan ah isugu-soo-taagay in ay kaalin firfircoon ka qaataan ololaha socda, waxaana magaalooyinka waaweyn laga bilaabay uruurinta taakulada dhibaneyaasha Qardho.

MUUQAALKA MADAXDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM