Puntland oo lagu qancinayo in Dastuurka Galmudug la badalayo

Image

July 14,2014 (GO)- Kadib markii Ra'isal wasaaraha Somalia booqasho ku yimid magaalada Garowe maalintii shaley 13 July,2015 ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowlada Puntland lagu qancin doono in Dastuurka maamaulka cusub ee Galmudug laga saari doono qodobada khaldan.

Wararkaan ayaa sheegaya in Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid booqashadii uu maalintii shaley ku soo marey magaalada Cadaado kulan uu la qaatey madaxweynaha mamaulkaas u soo bandhigey in Dastuurka Galmudug qodobo khaldan ku jiraan islamarkaana qorsheynayaan in wax laga badalo.

Xogtaan ayaa xuseysa in Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha maamulka Gamudug Cabdikarim Guuled oo saaxibo dhow ah in xiisada kacsan la dajiyo madaama qorshoohooda fog yahay sidii doorashooyinka 2016 ugu guuleysan lahaayeen.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh oo wel-wel weyn ka hayo khilaafka maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa cadaadis ku saaray in madaxweynaha Galmudug tanaasul ku-meel gaar ah ka sameyaan sheegashada deganaada aan ka tirsaneyn maamulkooda.

Barlamanka Puntland ayaa dhowaan soo saarey sharciyo ka hadlaya Dastuurka Federaalka ee khaldan in la saxo, fulinta heshiisyada labada dhinac la fuliyo iyo ineysan gabi ahaabna aqoonsaneyn maamulka cusub ee Galmudug.

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa la filayaa sidoo kale in Puntland iyo Jubaland ku qanciyo iney kasoo qayb galaan kulanka dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka kaasoo la qorsheynayo in magaalada Muqdisho lagu qabto July 29,2015.

Kulankaas ayaa madaxweyne Xasan Shiikh ku soo bandhigi doona qaababka loo wajahayo doorashada madaxtinimida ee la filayo iney Somalia ka dhacdo 2016 taasoo rajo weyn uu ka qabo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM