Puntland oo lagu qancinayo in Dastuurka Galmudug la badalayo

Image

July 14,2014 (GO)- Kadib markii Ra'isal wasaaraha Somalia booqasho ku yimid magaalada Garowe maalintii shaley 13 July,2015 ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowlada Puntland lagu qancin doono in Dastuurka maamaulka cusub ee Galmudug laga saari doono qodobada khaldan.

Wararkaan ayaa sheegaya in Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid booqashadii uu maalintii shaley ku soo marey magaalada Cadaado kulan uu la qaatey madaxweynaha mamaulkaas u soo bandhigey in Dastuurka Galmudug qodobo khaldan ku jiraan islamarkaana qorsheynayaan in wax laga badalo.

Xogtaan ayaa xuseysa in Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha maamulka Gamudug Cabdikarim Guuled oo saaxibo dhow ah in xiisada kacsan la dajiyo madaama qorshoohooda fog yahay sidii doorashooyinka 2016 ugu guuleysan lahaayeen.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh oo wel-wel weyn ka hayo khilaafka maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa cadaadis ku saaray in madaxweynaha Galmudug tanaasul ku-meel gaar ah ka sameyaan sheegashada deganaada aan ka tirsaneyn maamulkooda.

Barlamanka Puntland ayaa dhowaan soo saarey sharciyo ka hadlaya Dastuurka Federaalka ee khaldan in la saxo, fulinta heshiisyada labada dhinac la fuliyo iyo ineysan gabi ahaabna aqoonsaneyn maamulka cusub ee Galmudug.

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa la filayaa sidoo kale in Puntland iyo Jubaland ku qanciyo iney kasoo qayb galaan kulanka dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka kaasoo la qorsheynayo in magaalada Muqdisho lagu qabto July 29,2015.

Kulankaas ayaa madaxweyne Xasan Shiikh ku soo bandhigi doona qaababka loo wajahayo doorashada madaxtinimida ee la filayo iney Somalia ka dhacdo 2016 taasoo rajo weyn uu ka qabo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM