​Puntland oo loogu baaqay inay ilaaliso amniga shacabka

Image

BOSASO, Puntland- Xukuumadda Puntland ayaa loogu baaqay inay xil iska saarto ilaalinta dadka shacabka ah kadib falal amni darro oo muddooyinkii dambe ka taagnaa gobolka Bari taasoo ay ugu dambaysay dhacdo fool xun oo loo malaynayo inay ku kaceen mallayshiyaad taabacsan Daacish.

Galinkii dambe xalay ayaa degmada Bosaso waxaa lasoo dhigay madaxda saddex ruux oo kamid ahaa koox todobaadkii hore lagala tagay gaari kayimid degmada Qandala ee gobolka Bari.

Dadka la gowracay waxaa ku jiray Arday dugsi sare ka dhigan jiray degmada Bosaso oo fasax u aaday degmada Qandala, kaasoo kamid ahaa koox ku safraysa baabuur noociisu yahay Waaraad kahor intaysan jid-gooyo u dhigan koox hubaysan todobaadkii tagay.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaas, balse shacabka gobolkaas ayaa arrinta ku tilmaamay wax laga xumaado iyagoo fariin u diray dowladda iyo laamaha amniga Puntland.

Maydadka saddexda qof ayaa lasoo dhigay deegaanka Karin oo qiyaastii 53KM u jira magaalada Bosaso.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin xukuumadda Puntland iyo maamulka gobolka Bari, balse shacabka iyo ehelada dadkaas ayaa dowladda ugu baaqay inay ka shaqayso sidii loo sugi lahaa nabadgalyada dadka rayidka ah.

Gobolka Bari waxaa ku sugan kooxo xiriir la leh Al Qacida sida Al Shabaab iyo Daacish, waxaana muddooyinkii dambe gaabis ku yimid howlgalladii ka dhanka ahaa taasoo keentay inay dhibaateeyay dadka shacabka ah xilli ciidamadu ka cabanayaan mushahar iyo daryeel la'aan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM