Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Image

Xarfo, Puntland – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii shalay dhagax-dhigay dhisme cusub oo waddo isku xireysa degmada Xarfo iyo magaalada Galkacyo, taasoo qayb ka ah mashruuc ballaaran oo lagu dayactirayo waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo.

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas oo muddo dheer u baahnaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka. Dhismaha waddadan ayaa lagu fulinayaa dakhliga gudaha ee kasoo xarooda Dowladda Puntland, waxaana la maalgelinayaa iyada oo aan laga helin taageero toos ah oo ka timaadda mashaariicda caalamiga ah.

Mashruucan ayaa markii hore la qorsheynayay in lagu dhiso taageerada Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), balse Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hor istaagtay in Puntland loo madax-baneeyo habka loo maamulayo iyo loo fulinayo mashruuca. Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysatay in qandaraasyada iyo maamulka dhismaha laga hago magaalada Muqdisho, taas oo Puntland ay si cad uga hortimid.

Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka muddada dheer ka dhex jiray Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Puntland ay ku adkaysanayso in iyadoo dalka uu yahay nidaam federaal ah, maamul walba uu xaq u leeyahay inuu si madax-bannaan u maamulo mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaankiisa. Puntland waxay sheegtay in Villa Somalia ay siyaasadaysay mashaariicdaasi, taasoo caqabad ku noqotay horumarka shacabka.

Kadib markii hakasho ku timid mashruucan oo muddo wadahalkiisu socday, taasoo ka dhalatay siyaasadeynta Villa Somalia, ayaa maalintii shalay Madaxweynaha Puntland iyo wafdi ka tirsan xukuumaddiisa waxay si rasmi ah u dhagax-dhigay waddadan, iyadoo laga dhisayo miisaaniyadda gudaha. Tani waxay sidoo kale ujeeddadeedu tahay in shacabka Galkacayo iyo agagaarkeeda loo muujiyo in dowladda aysan ka gaabin danahooda.

Dhinaca kale, Dowladda Puntland ayaa sidoo kale si firfircoon uga shaqeyneysay dayactirka iyo dhismaha waddooyinka muhiimka ah ee gobollada. Waddada dheer ee isku xirta Garowe iyo Boosaaso ayaa dhowr meelood laga sameeyay dayactir, halka sidoo kale laga wado dhismaha 60km oo waddo ah oo u dhaxaysa Ceel Daahir iyo degmada Badhan.

Mashruucyadan oo laga maalgaliyo dakhli Dowladda Puntland u jarto dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha, ayaa mas’uul ka tirsan xukuumadda sheegay in tallaabadan tahay mid ay xukuumaddu ku muujineyso sida ay uga go’an tahay horumarinta gobolladeeda iyadoo aanay sugin taageero caalami ah. Tani waxay sidoo kale farriin cad u tahay hay’adaha horumarinta iyo Dowladda Federaalka, si loo ilaaliyo nidaamka federaalka ee ay Soomaaliya qaadatay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM