Puntland oo mamnuucday urur diimeedka Al Saadicuuna Bil Xaq

Image

GAROWE, Puntland- Maamulka gobolka Nugal ayaa maanta ku dhawaaqay amar liddi ku ah urur diimeed cusub oo dhawaan looga dhawaaqay dalka Masar islamarkaana faracyo kala duwan ku yeeshay gudaha waddanka Somalia.

Ururkan oo lagu magacaabo Al Saaciduuna Bil Xaq ayaa culimadu ku tilmaamtay koox loo unkay gaalaysiinta umadda Somaliyeed iyadoo loo marayo diinta Islaamka oo si khaldan loo turjumayo.

Guddoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi oo ay hareer fadhiyaan Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shan gobol Cabdifataax Xaaji Aadan iyo taliyaha la dagaallanka Argagixisada ayaa tilmaamay in kooxdan gabi ahaanba aan laga ogolayn deegaanada Puntland, islamarkaana la xiri doono xarumaha ay deegaanadaas ka furatay.

Faraweyne ayaa sheegay in dowladdu amar ku bixisay in sharciga la horgeeyo cid kasta oo kooxdaas taageertay islamarkaana ciidamadu fasax u haystaan inay ka hortagaan faafitaanka waxay ugu yeereen Takfiir.

Shacabka Puntland, ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ciidamada looga garabsiin lahaa ka hortagista ururkan liddiga ku ah diinta Islaamka isagoo ka dalbaday inay sheegaan shakhsiyaadka taageersan iyo goobaha ay ku suganyihiin.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli magaalooyinka Hargaysa, Muqdishu iyo Bosaso laga taageeray kooxdan la aas-aasay bishan horaanteeda.

Todobaadkii hore ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay dad loo haysto inay taageereen kooxdan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM