Puntland oo mar kale ka digtay isticmaalka bacda

Image

Isniin, Sept 15, 2014 (Garowe Online)- Mamulka magalada Garowe ayaa bilaabay olole ka dhan ah bacda oo horay Puntland go'aan lagu joojiyano usoo saartay.

Magalada Garowe oo ah xarunta Puntland ayaa maanta oo Isniin ah waxaa laga dareemayaa barnaamijkan bacda lagula dagaalamayo, sida uu Radio Garowe u sheegay Xoghayaha Dowladda Hoose Qaasim Maxamad Cabdi.

Qaasim ayaa tilmaamay inay muhiim tahay qaadashada go'aanka dowladda ee lagu joojiyay isticmaalka iyo ka ganacsiga bacda oo la aaminsan yahay inay saamayn xun ku yeelatay deegaanka iyo xoolaha. Waxuu intaas raaciyey in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu arko iyadoo isticmaalaysa bacda.

''ciddii aanu ku helno iyagoo isticmaalaya bacda tallaabo sharciga waafaqsan ayaan ka qaadaynaa sida ganaaax, meheradda oo laga xiro, shatigoo laga qaado iyo xarig...hadda waxaan wadnaa olole bacda looga aruurinayo magalada Garowe waana sii wadaynaa'' Xoghayaha Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa yiri.

Dowladdii hore ee Cabdiraxmaan Farole ayaa go'aan adag kasoo saartay isticmaalka iyo ka ganacsiga bacda balse go'aankaas ayaa noqday mid aan si toos ah u dhaqan galin.

Gollaha wasiradda Xukumadda Gaas ayaa dib usoo cusboonaysiiyay qaraarka looga hortagayo bacda, mana  muuqato ilaa iyo hadda wixii ay dadku bacda bedelkeeda isticmaali lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM