​Puntland oo markale Roob-doon iclaamisay

Image

GAROWE- Shir jara'id oo maanta magalada Garowe ku qabtay wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jamac, ayuu ku sheegay in 25 bisha soo socota deeganada Puntland uu ka dhici doono roob doon.

Saalax ayaa tilmaamay in arrintan u jeedkeedu tahay sidii ALLE raxmadiisa loo weydiisan lahaa, maadaama ay abaartu xoogaysatay.

Wasiirka, ayaa faray dhinacyada howshan khuseyso gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, wasaaradda Waxbarashada iyo gudoomiyaasha degmooyinka Puntland inay ka qayb qaataan sidii umaddu isugu soo bixi lahayd.

Wuxuu bulshada ka codsay Xabiib in ALLE loo laabto islamarkaana la sameeyo waxyaabaha sunnada ah sida in la soomo islamarkaan la toobad keeno.

25 February, 2016 ayaa sidaan oo kale loo roob dalbay, waxaana keenay abaaraha iyo xaalada ka taagan Puntland iyadoo wararka aan helayno sheegayaa inay adagtahay nolosha iyo duunyada ku dhaqan gobollada Puntland qaarkood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM