​Puntland oo markale Roob-doon iclaamisay

Image

GAROWE- Shir jara'id oo maanta magalada Garowe ku qabtay wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jamac, ayuu ku sheegay in 25 bisha soo socota deeganada Puntland uu ka dhici doono roob doon.

Saalax ayaa tilmaamay in arrintan u jeedkeedu tahay sidii ALLE raxmadiisa loo weydiisan lahaa, maadaama ay abaartu xoogaysatay.

Wasiirka, ayaa faray dhinacyada howshan khuseyso gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, wasaaradda Waxbarashada iyo gudoomiyaasha degmooyinka Puntland inay ka qayb qaataan sidii umaddu isugu soo bixi lahayd.

Wuxuu bulshada ka codsay Xabiib in ALLE loo laabto islamarkaana la sameeyo waxyaabaha sunnada ah sida in la soomo islamarkaan la toobad keeno.

25 February, 2016 ayaa sidaan oo kale loo roob dalbay, waxaana keenay abaaraha iyo xaalada ka taagan Puntland iyadoo wararka aan helayno sheegayaa inay adagtahay nolosha iyo duunyada ku dhaqan gobollada Puntland qaarkood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM