Puntland oo musharaxiinta ka mamnuudey gaadiidka ciidan

Image
Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay maanta bilowdeen ololaha ururada siyaasadda.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda amniga dowlada Puntland ayaa Axada maanta ah waxay fartey musharaxiinta kuraasta Golaha Shacabka heer federaal in aysan ololahooda u isticmaalin gaadiid ciidan.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka uu arkay warsidaha Garowe Online, qofkii sababo gaar ah uga maarmi waaya ilaalo waa in uu lasoo xiriiraa wasaarada si uu u helo ogolaanshiyo shatiyeysan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta ay bilowdeen ololaha ururada siyaasadda Puntland kuwaasoo isku diyaarinaya coddeynta dowladaha hoose oo loo balansan yahay in ay dhacdo 25-ka October.

Dhanka kale, taliyaha Booliska Puntland, Cabdi Xasan Xuseen, ayaa gudoomiyay shirka sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Qofka iyo Codka ah ee Puntland iyo Goobaha loo asteeyay inay ka qabsoomaan doorashada heer fedaraal ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay taliska, kulanka waxaa diiradda lagu saarey sidii ciidamadda ay kaalin wanaagsan uga cayaari lahaayeen xaqiijinta nabad-gelyadda guud ahaan goobahaas.

"Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamaystirka tababarka dib-u-habayneed ee Ciidanka Booliska iyadoo hadda ay tababro ku jiraan in ka badan  600 oo u diyaar-garoobaya adkeynta amniga doorashooyinka heer maamul iyo heer Faderaal," ayaa la raaciyey bayaanka.

Ammaanka ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala doorashooyinka Soomaaliya. Balse, Puntland waxay ku jirtaa daruufo gaar ah oo kaga duwan tahay maamulada kale oo ah in ay xasiloon tahay.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM