Puntland oo diiday guddigii Farmaajo ee wada hadalada Somaliland

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa waxay ganafka ku dhufatay guddigii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay wada xaajoodyadda Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Garowe ayaa lagu xusay in magacaabida aysan waafaqsaneen dastuurka ku meel gaarka ah ee uu waddanku leeyahay.

Sidda ku xusan bayaanka, qodobka 53 farqadiisa 2aad ee Axadiga qabyadda ah, wuxuu xeerinaya in maamul goboleedyadda ay ergo ku yeeshan wada hadalada saameynaya.

Puntland ayaa waxay horey u dalbatay in laga qeybgaliyo wada xaajoodyadda Somaliland maadaama ay xuduud la leedahay maamulka Hargeysa oo ay isku hayaan gobolo.

Guddiga heer qaran ee uu Farmaajo magacaabay oo ka kooban lix xubnood ayaa waxaa horey uga hor-yimid Somaliland oo ku tilmaamtay "gef siyaasadeed".

Talaabada ay Puntland ku qaadacday guddigaasi ayaa imaaneysa iyadda oo xiriirka maamulkan iyo Villa Soomaaliya uusan hagaagsaneen tan iyo shirkii burburay ee Garowe.

Iyadda oo ay taasi jirto, waxaa yimid socdaal uu ra'iisul wasaaraha dalka ku tagay Gaalkacyo, kaasi oo wasiiro ka tirsan Puntland ay dhaliilay markii uu Khayre hareer-maray hab-maamuus ay u diyaariyeen.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM