Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Image

GAROWE — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu qorshaynayso inay magaalada Garowe ku martigeliso shir lagu wadaagi doono aragtiyo iyo xalal cusub oo ku saabsan dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

Deni ayaa sheegay in shirka lagu soo qaban doono aqoonyahanno iyo khubaro Soomaaliyeed, si looga fogaado saameynta siyaasiyiinta danahooda gaarka ah raacaya, loona horumariyo xalal ku dhisan cilmi iyo aqoon dhab ah.

“Sida dowlad ahaan Puntland, waxaan rabnaa inaan ka faa’iideysano aqoonyahannada khibradda u leh dhismaha dawladnimada si cilmiyeed looga baadho caqabadaha hortaagan dhismaha Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah, laakiin waxaan rabnaa in caqligu hogaamiyo, damaca iyo dareenkaana aysan noqon kuwa go’aamiya habka maamulka. Doorkaas waxaa lagu aaminay aqoonyahanka iyo culimada Soomaaliyeed.”

Puntland, oo ah maamulkii ugu da’da weynaa Soomaaliya, ayaa tan iyo bishii Maarso 2024 hakisay iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka, iyada oo arrintan ay sabab u tahay khilaafaad dastuur iyo eedeymo la xiriira fara-gelinta dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM