Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Image

GAROWE — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu qorshaynayso inay magaalada Garowe ku martigeliso shir lagu wadaagi doono aragtiyo iyo xalal cusub oo ku saabsan dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

Deni ayaa sheegay in shirka lagu soo qaban doono aqoonyahanno iyo khubaro Soomaaliyeed, si looga fogaado saameynta siyaasiyiinta danahooda gaarka ah raacaya, loona horumariyo xalal ku dhisan cilmi iyo aqoon dhab ah.

“Sida dowlad ahaan Puntland, waxaan rabnaa inaan ka faa’iideysano aqoonyahannada khibradda u leh dhismaha dawladnimada si cilmiyeed looga baadho caqabadaha hortaagan dhismaha Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah, laakiin waxaan rabnaa in caqligu hogaamiyo, damaca iyo dareenkaana aysan noqon kuwa go’aamiya habka maamulka. Doorkaas waxaa lagu aaminay aqoonyahanka iyo culimada Soomaaliyeed.”

Puntland, oo ah maamulkii ugu da’da weynaa Soomaaliya, ayaa tan iyo bishii Maarso 2024 hakisay iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka, iyada oo arrintan ay sabab u tahay khilaafaad dastuur iyo eedeymo la xiriira fara-gelinta dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Ciidamo Cusub U Daabushay Buuraha Cal-Miskaad

Hawlgalkan, oo markii hore loo qorsheeyay in lagu soo afjaro bisha December ee 2025, ayaa galay marxaladdiisii ugu dambeysay.

  • Puntland

    08-12-2025

  • 11:10AM

Sidee u dhacay howlgalkii ciidanka Mareykanka ee Baalade – Gobolka Bari?

Sidee u dhacay howlgalkii ciidanka Mareykanka ee Baalade – Gobolka Bari?…

  • Puntland

    30-11-2025

  • 04:15AM