Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Image

Gaalkacyo – Booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari lagu siday 250 tuute, kaas oo ay sheegeen inuu kasoo baxay dhinaca Galmudug, xilli ay duleedka magaalada Gaalkacyo ku sugan yihiin ciidamo horey u sheegay inay ku biireen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka Booliska ayaa soo bandhigay gaariga iyo tuutayaasha la qabtay, iyagoo sheegay in kiiska loo gudbin doono maxkamad si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Qabashada gaarigan ayaa timid maalmo kadib markii dowladda Puntland uu uga digtay Galmudug in dhulkeeda loo soo mariyo ciidamo iyo hub ay leedahay dowladda Federaalka, oo lagu khalkhalgelinayo amniga iyo xasilloonideeda.

Puntland ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada ka socda xuduudaha gobolka Mudug, iyadoo ka digtay tallaabo kasta oo ay u aragto mid wax u dhimaysa nabadgelyada deegaanadeeda.

Laamaha amniga gobolka Mudug ayaa yeeshay kulan ay kaga hadleen xaaladda amniga, waxaana ay isku raaceen in la xoojiyo howlaha amniga iyo ka hortagga falalka ay sheegeen inay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dhanka kale, Booliska Gaalkacyo ayaa sheegay inay qabteen xubno lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilal ka dhacay gobollada kale ee Puntland—Ciidamada amniga ayaa sheegay in dadkaasi lagu soo qabtay howlgal amni oo ay ka fuliyeen magaalada.

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni, iyadoo ay jireen eedeymo la xiriira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM