Puntland: Doonyo loo qabtey kalluumeysi sharci darro ah

Image

GAROWE, Puntland - Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo dhanka Badda ah ka fuliyey deegaanada Tooxin, Baargaal, Gunbax, Xaafuun iyo Foocaar.

"Waxaa lagu soo qabtay hawlgalladaasi Doonyo dhawr ah oo sifo sharci daro ah uga kalluumaysanaayey deegaanada kor ku xusan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska PMPF-ta.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Ciidamadda Badda Puntland ee PMPF waxay mar kasta diyaar u yihiin horumarinta dedaaladda lagu sugayo amniga iyo xasiloonida dhamaan degaanada iyo xeebaha Puntland buur iyo banaan".

Biyaha Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa in ay kamid yihiin baddaha caalamka ee ay ka dhacaan falalka ugu badan ee kalluumeysiga sharci daradda ah.

Dalal badan ayaa ciidamo u soo diray badda Soomaaliya ayaga oo sheegaya in ay ka qeybqaadanayaan howlgaladda looga hortagayo shufta badeeda iyo kalluumeysiga sharci darada ah.

Wadamadaas oo reer galbeedka u badan ayaa dhankooda waxaa lagu eedeeyaa in ay qeyb ka yihiin falal kalluumeysiga sharci daradda - si daaha gedaashiisa ah.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in uu diyaarisey nidaam suurtagalinaya ka hortagga falalka sharci darada iyo dambiyadda badaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM