Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Image
Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

GAROWE, Puntland - Cutubyada Badda ee Ciidamada PMPF, oo si joogto ah u wada gulufyo lagu sugayo amniga Badaha Puntland ayaa hawlgallo lixaad leh ka sameeyey todobaadkan guud ahaan Xeebaha Degmooyinka Puntland, kuwaasi oo lagu qabtay Maraakiib, Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii. 

Gaadiidkan badeed ee ciidanku qabteen waxa ay isugu jireen kuwo sifo sharci daro ah u kalluumaysanaayey, kuwo looga shakiyey Burcad Badeed iyo kuwo aan haybtooda la aqoon oo ciidamada gaar ka ahi ka hawlgaleen, si qorshahooda loo caddeeyo.

Ciidamadu waxa ay u diran yihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda, si loo helo Amni, xasilooni iyo hurmar waara.

Dhanka kale,Saraakiil ka tirsan Ciidamada PMPF ayaa ka qayb-galay tababar muddo Shan beri ah u socdey Saraakiisha qaybo ka mid ah ciidamada Amniga gobolka Bari, gaar ahaan Boosaaso, kaasi oo ay iska kaashadeen Ciidanka Booliska Adduunka ee INTERPOL HQ iyo hay’adda EUCAP Somalia.

Muddada uu socdey tababarku waxaa ciidanka lagu layliyey sugidda Amniga Dekedaha ee adeegsiga xeeladaha baadhitaanka iyo talaabooyinka la qaado, isticmaalka qalabka lagu sugo Amniga Dekedaha, habka ugu wanaagsan ee baaritaanka Baabuurta, sugidda Amniga Badaha, tabta aqoonsiga Qaraxyada, isticmaalka qalabka HAZMAT ee difaaca nafta xilliyada baaritaanka dembiyada iyo fullinta Hawl-gallada ka dhan ka ah Argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo bilad sharaf ku sagootisay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa xilka baneynaysa iyadda oo lagu badalay James Swan oo Ameerikaan ah.

  • Puntland

    19-05-2024

  • 03:21AM

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM