​Puntland oo Qandala ka qabsatay Daacish iyo war-saxaafadeed lagu qabanayo

Image

BOSASO, Puntland- Ciidamada Puntland ayaa saaka gacanta ku dhigay degmada Qandala ee gobolka Bari kadib markii ay ka qabsadeen koox sheegatay Daacish oo muddo kabadan bil ku sugnaa.

Wararka uu helayo warsidaha GO, ayaa sheegaya in kooxdaasi u firxadeed dhinaca buuraha iyo Tog lagu magacaabo Bin Jacayl.

Xogta ayaa intaas Ku daraysa in mallayshiyaad tiro ahaan lagu sheegay 19 oo dhaac sita lagu arkay degaanka Buruc ee gobolka Bari. 

Saraakiisha dowladda ee howlgalka hogaaminaysa ayaa wararku sheegayaan inay shir Jara'id warbaahinta ugu qaban doonaan degmada Qandala, kaasoo ay kaga hadli doonaan howlgalka.

Wariyaal ayaa saaka ka baxay Bosaso kuwaasoo raacay doonyo ay leeyihiin ciidanka badda Puntland iyagoo kusii jeeda degmada gacanta dowladda lagu soo celiyay.

Dhinaca kale, Xog uu helay GO ayaa sheegaysa in dowladdu degmadaasi kasamayn doonto saldhig ciidan oo ay taageerayo Maraykanku, si looga hortago falalka kooxdan iyo inay isku ballariyaan deegaanada kale ee gobolka. 

Degmada Qandala ayaa noqotay goobtii ugu horaysay oo gacanta ku dhigaan mallayshiyaad taabsan Daacish. 

Wixii faahfaahin dheeraad ah wararkeena dambe ayaan idiin kusoo gudbin doonaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM