Puntland oo qashinka ku dartey hadal kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya

Image
Dowladda federaalka ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay howlgal ay Ciidankeeda ka fuliyeen buuraha Calmadow.

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland oo beenisay warka kasoo dowladda federaalka oo ku saabsan in Ciidankeeda ay howlgal ay Ciidankeeda ka fuliyeen buuraha Calmadow.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Yacquub Maxamed Cabdulle ayaa shaaca ka dhigay in Puntland diyaar u tahay in ay soo dhaweyso "taageero aan ku koobneyn igu sawir".

Cabdulle oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook ayaa sheegay in Puntland ay la dagaalanka argagixisada kali ku ahayd dhowrkii sano ee lasoo dhaafay iyadda oo cid garab waydiisan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Caano iguma habi jirin ma duqsibaa kaga dhacay.

Dawladda Puntland muddo dheer ayeey cadowga wajihidiisa iyo la dagaalankiisa kali ku ahayd ayada iyo Saaxibadeeda mudada dheer ka tageeray dhanka amniga.

Mana jirin taageero dadban iyo mid toos ah oo ay ka heli jirtay Dawlad kale marka Laga reebo taageerada dhanka cirka iyo agab kooban oo mararka qaar ka heli jirtay saaxiibada kale ee Soomaaliya.

Dawladda Puntland ayada oo Ilaahay talo saaranaysa kaa shanaysana shacabkeeda waa ay ku filantahay Amnigeeda waxayna soo dhawaynaysaa taageero kasta oo ka wayn igu sawir iyo halagaa sheego.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM