Puntland oo qoraal ka soo saartey xaalka Muqdisho

Image

Dowladda Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaalada Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan.

Puntland State House 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM