Puntland oo Ruqsadda kala noqotay telefishanka SBS [Akhri Sababta]

Image

GAROOWE, Puntland - Dowladda Puntland, ayaa shaacisay inay ruqsaddii kala noqotay telefishanka SBS, oo kamid ah warbaahinada madaxa-banaan ee ka howlgala degaanada maamulkan.

Warqad kasoo baxday 23-kii bishan Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali [Qarjab], ayaa lagu sheegay in go'aankan uu kak dambeeyay markii TV-ga uu baahiyay falal khal-khal gelinaya amniga iyo Siyaasadda Puntland.

Wasiir Qarjab ayaa ku wargeliyay laamaha amaanka Puntland in telefishanka SBS uusan ka howlgeli karin guud ahaan degaanada maamulan laga billaabo sabtida soo socota, 27-ka October 2018.

Go'aankan ayaa lagu waregliyay Madaxtooyadda Puntland, gudoomiyeyaasha gobollada, Laamaha amniga, Ururka Suxufiyiinta ee MAP, Wasaradda amniga, iyo sidoo kale maamulka telefishanka SBS.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii SBS TV uu baahiyay shir jaraa'id oo ay qabteen saraakiil katirsan ciidamada Puntland, kuwaasoo dhaliilo usoo jeediay maamulka Cabdiweli Gaas, sido kalena sheegay inay taageersan yihiin dowladda Federaalka.

Dhanka kale, Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa cambareysay go'aanka Wasaaradda Warfaafinta ee ruqsadda ugula noqotay TV-ga, waxaana ay ugu baaqay inay ka laabato tallaabadan.

WAR SAXAFADEEDKA WASAARADDA WARFAAFINTA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM