Puntland oo shaacinaysa natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, ayaa maanta shaacinaysa natiijada imtixaankii dugisyada sare ee la qaaday muddo kahor kaasoo ay u fariisteen dhowr iyo toban kun oo Arday.

Wariyaasha ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda xilli shalay la asteeyay in maanta la iclaamin doono natiijada oo inta badan lagu qeexo, dadkii ugu sareeyay, dugsiyada sare sida ay kaalmaha hore ugu kala horeeyaan iyo sidoo kale Arday Imtixaankaas u gala kaalinta koowaad.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa goor hore shaacisay in Ardaydu natiijadooda heli karaan iyagoo jooga guryahooda islamarkaana adeegsanaya adeega shirkadda Golis ee SMS-ka.

“Ardadu waxay natiijada ka helayaan telefankooda gacantaee shirkada Golis, waxayna u marayaan habka ah ( waxaad tagaysaa mobilkaga qaybta massage-ka kadib waxaad ku qoraysaa roll numberkaagi imtixaanka xaashida qoraalka loogu tala galay in lagu qoro, kadibna waxaad u diraysaa 299,” Ayaa lagu yiri qoraal wasaaraddu ku shaacisay Barteeda Facebook.

Waxaa sidoo kale loogu baaqay Ardayda inay is dajiyaan oo ay ku qancaan natiijada maadama sida la sheegay ay soo saxeen dad khuburo ah.

“Waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa guud ahaan bahda waxbarashada gaar ahaan ardadii u fariisatay imtixaanka in la is dejiyo laguna qanco natiijada ku soo baxday si cadaalad ah ayna hubiyeen khuburo ku xeel dheer sixida imtixaanadka iyo waaxda imtixaanaadka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland,” Ayaa lasii raaciyay qoraalka Wasaaradda waxbarashada Puntland.

Faah faahinta dib ayaan idiin kasoo gudbin doona

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM