Puntland oo shaacisay in uu dhintay qof ay kaga shakisay Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortagga Coronavirus ee Puntland ayaa warbixintiisa maalinlaha ee 21-ka April sanadka 2020 ku xaqiijiyey in uu dhintay qof looga shakiyey Coronavirus.

Ruuxaas ayaa kamid ah laba qof oo jawaabtooda la sugayo kadib markii laga qaadey dheecaanada laga baaro fayruska safmarka ah.

Sidoo kale, waxaa warbixinta guddiga lagu xaqiijiyey in ay maanta karantiileen sagaal qof oo dhowaan dheecaanada laga qaadayo.

"Guddigu wuxuu ku wargelinayaa Bulshadda in qof ka mid ah dadkii looga shakisanaa caabuqa COVID-19 uu ku geeriyooday deegaanada Puntland maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka April 2020. Lana sugaayo jawaabtii laga qaadey si loo xaqiijiyo in uu qabay COVID 19 iyo in kale. Waxaa maanta la karantiilay 9 qof kuwaasi oo laga qaadi doono baaritaankii," ayaa lagu yiri.

Tani ayaa macnaheedu yahay in wadarta guud ee dadka laga baarayo ay noqoneyso 15, kuwaas oo natiijadooda la rajeynayo in ay maalmaha soo aadan si rasmi ah ugu dhawaaqi doono isla guddigaan.

Degaanada Puntland waxaa horey looga xaqiijiyey hal kiis oo ah Covid-19. Muwaadin aan safar gelin oo hadda ku jira gacanta dowladda ayaana la nool caabuqa.

Dhanka kale, guddiga wuxuu sheegay in aysan jirin xayiraad lagu soo rogay ganacsiga ka baxa degaanadda Puntland ee tegaya degaanada kale ama magaalooyinka kale ee Soomaaliya

Dadweynaha ayaa cod dheer loogu booriyey in ay raacaan tilmaamaha iyo talooyinka caafimaad ee looga baaqsan karo in xanuunka uu ku dhex-faafo bulshadda taasoo halis balaaran oo aan la mahdin keenta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM