Puntland oo shaacisay kiisas horleh oo ah safmarka Covid-19

Image

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa caawa oo Axad ah waxay ku dhawaaqdey sideed kiis cusub oo ah safmarka Coronavirus. Bukaanada cusub ayaa laga soo dhex-saarey 24 qof oo la baarey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tani ayaa ka dhigan in tirada guud ee kiisaska laga diiwaan-geliyey degaanada maamulkan ay haatan gaartay 84 xaaladood. Bukaanada waxay kala joogaan gobolada Nugaal iyo Karkaar.

Sidda laga soo xigtay warbixinta maalinlaha ah ee Covid-19 ee Puntland, saacadihii lasoo dhaafay waxaa la xaqiijiyey geerida hal ruux. Tirada guud ee geerida waa afar, mana jirto shaqsi ka caafimaadey.

Puntland ayaa hor-muud u ah ololaha iska caabinta fayruskaan dilaaga ah ee sida fudud u faafa ee guud ahaan Soomaaliya. Waa maamulkii ugu horeeyay ee qaadey talaabooyinka ka hortagga caabuqa.

Shacabka iyo xukuumadda ayaa si wadajir ah uga wada shaqeynaya ka hortagga faafitaanka xanuunka, waxaana dadweynuhu u hogaan-sameen amarada sidda bandowga habeenkii iyo xiritaanka Masaajida.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la-kacaa-kufeysa in ay hirgeliso talaabooyinka laga maarmaanka u ah xakameynta faafitaanka tusaale ahaan bulshada oo kala fogaata iyo kulamada oo la joojiyo.

Sidda laga soo xigtay warbixinta Wasaaradda Caafimaadka heerka federaalka, tirada kiisaska laga diiwaan-geliyey guud ahaan dalka ayaa gaartay 1054, markii 24-kii saac ee lasoo dhaafay la helay 59 xaaladood oo cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM