Puntland oo shaacisay qorshe muhiim u ah dadka isaga shakiya fayruska

Image

GAROWE, Puntland – Magaalooyinka Puntland ayaa laga sameynayaa xarun caafimaad oo qofka kasta oo isaga shakiya Covid-19 uu tagayo si loo siiyo talo bixin ku saabsan talaabooyinka uu qaadayo.

Guddiga wacyi-gelinta ka hortagga Coronavirus ee Puntland ayaa qorshahaas kusoo bandhiga warbixintooda maalinlaha ee 18-ka, April, 2020.

Talaabadaan ayaa ujeedkeedu yahay siddii looga gaashaaman lahaa faafitaan deg-deg ah oo bulshadda uu ku dhex-sameeyo.

Degaanada Puntland ayaa nan wali laga soo sheegin xaalado la xiriira cudurkaas dilaaga ah, balse waxaa baaritaan loo diray laba qof kuwaas oo natiijadooda ay soo bixi doonto maalmaha soo aadan.

Guud ahaan Soomaaliya, kiisaska Coronavirus ayaa gaaraya 135. Badankooda waxay ku sugan yihiin magaala madaxda Muqdisho. Rag iyo dumar ayay isugu jiraan, kuwaas oo aan safar gelin.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa dadweynaha waxay ku boorisay in ay guriyahooda joogaan, una hogaan-samaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya xirfadlayaasha iyo ruuxadeeda.

Dhanka kale, warbixinta guddiga Puntland ayaa muwaadiniinta dibadda iyo gudaha ku sugan ku booriyey in ay ka qeyb-qaataan kaalamada Sanduuqa taakulada iyo Ka hortagga xanuunka dilaaga ah.

Warbixinta guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM