​Puntland oo shahaado siisay Save The Children

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, ayaa shahaado sharaf Guddoonsiiyay hay'adda Save The Children kadib markii ay door muhiim ah ka cayaartay gurmadka loogu jiro dadka abaaru saameeyeen ee ku sugan gobollada dhaca Bariga ee maamulkaasi.

Hay'addan ayaa sidoo kale noqotay middii ugu horaysay oo tagtay goobaha dadku u hayaameen iyadoo kasoo qaaday xogo ku saabsan baahida shacabkaas islaamrkaana howgalisay kooxo ka shaqaynaya caafimaadka iyo quudsiinta dadka tabaalaysan.

Cabdixakiim Cumar Camay oo shahaada siiyay Save, ayaa xusay intahay arrin lagu farxo tallaabada ay qaadeen isagoo ku bogaadiyay howlaha wanaagsan ee ay dalka ka hayaan, wuxuuna ka codsaday inay sii labo jibaaraan taakulaynta ay wadaan.

Agaasimaha Save the Children ee Somalia, Hassan Nuur oo ka gudoomay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland abaal marintaas, ayaa mahadcelin usoo jeediyay dowladda iyo garashadeeda ku aadan inay shahaado sharaf siiyaan wuxuuna sheegay inay hay'addu halkeeda kasii wadi doonto gurmadka iyo caawinta Ummadda Soomaaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM