Puntland oo shaqada ka joojisay Universal TV

Image

GAROWE, Puntland- War-qad kasoo baxday wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa maanta shaqadii looga joojiyay Telefishinka Universal, kadib markii maamulka Puntland ku eedeeyay inuu ka shaqaynayo iska horkeenka shacabka iyo xukuumadda.

Qoraalka lagu xayirayo shaqada TV-gan oo uu ku saxiixanyahay wasiir ku-xigeenka wasaaraddaas, ayaa yimid kadib markii Universal ay baahisay muuqaal ka hadlay wax-qabadka Madaxweyne Gaas oo qayb ka ahaa Barmaajka madadaaladda ee loo yaqaano Faaliyaha Qaranka.

Faaliyaha Qaran oo mowduucyo kala duwan lagu soo qaato ayaa todobaadkan diiradda lagu saaray Madaxweyne Gaas iyo safar uu dhawaan ku tagay dalka Chaina.

Xiriiro aan la samaynay wasaaradda Warfaafinta waxay ka gaabsatay inay faah faahin ka bixiso ujeedada rasmiga ah ee loo xiray.

Balse warqadda xayiraadda waxaa lagu muujiyay in TV-gan dhowr jeer oo hore looga digay falal caynka ah islamarkaana uu baahiyay barnaamijka ka baxsan anshaxa saxaafadda.

Lama oga inta xayiraaddan jiri doonto, laakiin waxa sidaan oo kale horay loo mamnuucay shaqada UNIVERSAL TV inkastoo dib loo fasaxay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM