Puntland oo shaqada ka joojisay Universal TV

Image

GAROWE, Puntland- War-qad kasoo baxday wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa maanta shaqadii looga joojiyay Telefishinka Universal, kadib markii maamulka Puntland ku eedeeyay inuu ka shaqaynayo iska horkeenka shacabka iyo xukuumadda.

Qoraalka lagu xayirayo shaqada TV-gan oo uu ku saxiixanyahay wasiir ku-xigeenka wasaaraddaas, ayaa yimid kadib markii Universal ay baahisay muuqaal ka hadlay wax-qabadka Madaxweyne Gaas oo qayb ka ahaa Barmaajka madadaaladda ee loo yaqaano Faaliyaha Qaranka.

Faaliyaha Qaran oo mowduucyo kala duwan lagu soo qaato ayaa todobaadkan diiradda lagu saaray Madaxweyne Gaas iyo safar uu dhawaan ku tagay dalka Chaina.

Xiriiro aan la samaynay wasaaradda Warfaafinta waxay ka gaabsatay inay faah faahin ka bixiso ujeedada rasmiga ah ee loo xiray.

Balse warqadda xayiraadda waxaa lagu muujiyay in TV-gan dhowr jeer oo hore looga digay falal caynka ah islamarkaana uu baahiyay barnaamijka ka baxsan anshaxa saxaafadda.

Lama oga inta xayiraaddan jiri doonto, laakiin waxa sidaan oo kale horay loo mamnuucay shaqada UNIVERSAL TV inkastoo dib loo fasaxay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM